Animation

Deeqo Jibril ayaa noqotay haweeneydii Soomaaliyeed ee lugu casumay shirkii golaha guud ee Qaramada Midoobay (Sawiro)

no responses
Tuesday October 6, 2015 - 7:48 under Breaking News by admin
mqdefault

Guddoomiyaha ururka Community & Cultural Associations ,Deeqo Jibril ayaa noqotay haweeneydii Soomaaliyeed ee lugu casumay shirkii golaha guud ee Qaramada Midoobay kaaso dhawaan lugu soo gaba-gabeeyay magaalada New York.

Deeqo Jibril ayaa la kulantay qaar ka mid ah madaxda caalamka ee ka qayb-gashay shirka sanad la ah oo ay inta badan goob-joog u ahaayeen madaxda dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay.

“Tani waxay ii ahayd fursad,waxaana aragtiyo la wadaagay madaxda caalamka qaarkood,arrimaha an kala hadlayay dhammaan waxay ahaayeen horumarinta bulshada,taaso ah shaqada an xilli walba qabano,”sida waxaa u sheegtay warbaahinta Deeqo Jibril oo madax ka ah ururka Community & Cultural Associations.

Deeqo Jibril waxaa lugu xasuusta howlo badan oo ay ka qabatay dalka Marekanka gaar ahaana magaalada Boston ee gobalka Massachusetts,waxaana inta badan ay ka shaqeysa horumarinta bulshada iyo sida la isagu xiri karo laamaha dowladda iyo Soomaalida gobolka ku nool.

“Waxaan raadinayo waxay tahay sidii ay jaaliyadda iyo dadka Soomaalidaba aragtida ugu gudbin lahaayeen goobo la mid ah shirkan an ka qayb-galay ee golaha Qaramada Midoobay,waxaana xoojin doona dadaalladii an wadney,”ayay tiri mar kale,Deeqo Jibril.

Soomaalida ku nool magaalada Boston ayaa ku ammaantay dadaallada ay waddo Deeqo Jibril,waxaana qarkood ay sheegeen inay garab-taganyihiin mar walba.FB_IMG_1443538570051

FB_IMG_1443538575504

FB_IMG_1443538580714

FB_IMG_1443538586403

FB_IMG_1443538590503 (1)

FB_IMG_1443538590503

FB_IMG_1444151283642