Animation

Deeqa Jabriil oo ka Qayb Gashay Gaba Gabaynta Tababar ku sabsan wada-shaqeynta dhallinyaradda iyo booliska magaalada Boston (Sawiro)

no responses
Friday August 28, 2015 - 7:28 under Somali News by admin
mqdefault
Spread the love

Waxaa la soo gaba-gabeeyay tababar socday muddo toddobo cisho ah kaaso lugu baranayay wada-shaqeynta dhallinyaradda iyo booliska magaalada Boston ee dalka Marekanka.

Tababarkan waxuu qayb ka yahay barnaamij la maqac baxay Somali Youth And Police Initative,waxaana hirgalisay guddoomiyaha ururka Somali Community and Cultural Association, Deeqo Jibril waxaana ururkan ay wada-shaqeyn leeyihiin booliska Boston oo ay ku nool-yihiin Soomaali badan.

Wad-tashanta booliska iyo dhallinyaradda oo ah markii ugu horreysay ee lugu qabto Boston,waxaa ka qayb-galay 22 gabdhood oo dhallinyaro ah,waxaana la barayay hoggaaminta iyo sida ay Booliska loo la hadlo markey ku istaajiyen iyo mar walba wax kugu dhacaan qabka loo la macaamilo,waxaana tababarka bixinayay saraakil ka tirsan booliska magaalada Boston.

Waxaa la bixiyay shahaado iyo lacago oo dhiri-galin ah intii ka qalin jabisay tababarka,waxaana inta uu socday tababarka ka qayb-galay mas’uuliyin ka socday maamulka magaalada Boston,waxaa ka mid ahaa haweeneyda ugu sareeysa gobolka oo loo yaqaan US. Attorney Carmen Ortiz iyo taliyaha Booliska Boston Commisiner Wiliam Evans, iyo ku xigeenkiisa Cheif William Gross iyo guddoomiyaha iyo Xog-hayihisa.
Mas’uuliyinta waxay dhammaantod ka hadleen sida mar walba ay iskugu xirnaadaan jaaliyadda Soomaalida iyo Booliska Bosto dhib walba oo ay dareemaan iyo wixi caqabaad ah oo ay kala kulmaan qeebaha bulshada [community] kala duwaan iyo sidii mar walba xirir joogta ah u wada yeeshaan.

Waxaa kalo ay ammaanen madaxda Boston hoggaamiyaha ururka Somali Community and Cultural Association,Deeqo Jabril sida ay mar walba u dadaaleeyso horumar badana ay ka sameeysay dhallinyaro badana ay soo saartay kana bad baadisay khataro badan oo ay awaal ku sugnaayeen haddana ay yihin kuwo lagu faano oo dad kooda iyo gobolka ka muuqda waxana mahadas iska leh Deeqo Jabriil oo u Dadaashay dhallinyarada iyo bulshadda,sida waxaa sheegay saraakisha booliska iyo madaxda maamulka magaalada Boston.

Guddoomiyaha ururka Somali Community and Cultural Association,Deeqo Jabril ayaa dhankeeda ka hadashay xiritaanka tababarka oo toddobo bari socday waxay ugu mahadcelisa madaxda Boston sida mar walba u garab taagan yihin bulshada Soomaalida mar walbana uga caawiyaan aqoonta kala duwan waana muhiim in ay mar walba isku xirnaadaa bulshada iyo Booliska sidi loo wada shaqeeyo .

Ururka Somali Community and Cultural Association waa mid mar walba ka shaqeeya horumarka bulshadda Soomaalida ah ee ku nool Boston,waana markii ugu horreysay oo 22 gabdhood oo Soomaali ah loo qabto tababar la xiriira habdhaqanka wanagsan ee booliska si looga fogaado isku dhac iyo khataro dhaca.MDV_1978 MDV_2158 MDV_2148 MDV_2143 MDV_2140 MDV_2139 MDV_2138 MDV_2137 MDV_2134 MDV_2116 MDV_2112 MDV_2109 MDV_2108 MDV_2098 MDV_2095 MDV_2086 MDV_2075 MDV_2073 MDV_2069 MDV_2066 MDV_2061 MDV_2053 MDV_2051 MDV_2047 MDV_2044 MDV_2043 MDV_2027 MDV_2025 MDV_2023 MDV_2019 MDV_2014 MDV_2010 MDV_2008 MDV_2006 MDV_2001 MDV_1997 MDV_1987 MDV_1984

Facebook Comments