Animation

Deeq Dawo Iyo Nafaqo isugu jirta Oo Gudiga Gurmadka Abaaraha Ee Dowlada Dhexe Ay Maanta Soo Gaarsiiyeen Magaalada Caabudwaaq

no responses
Saturday May 6, 2017 - 2:30 under Somali News by cabudwaaq
mqdefault
Spread the love

Xili Dadka uu soo ritay xanuunka shuban biyoodka ay sare u kaceen
waqtiyadii dambe degmada Caabudwaaq ayaa dawo loogu tala galay in
looga qayb qaato baxnaanada dadkaasi maanta la soo gaarsiiyay degmada

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dawlad Goboleedka
Galmudug kana mid ah Gudiga Gurmadka Abaaraha Qaran ee dalkeena
C/nadiif C/laahi Warsame iyo Agaasimaha Wasaarada Caafimaadka Maamulka Galmudug Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug oo ay wehliyaan dhaqaatiir ka socota Gudiga
Qaran ee Gurmadka Abaaraha, ayaa deeq isugu jirta Dawo iyo nafaqo
waxaa ay soo gaarsiiyeen bukaanada uu soo la xanuunsan shuban biyoodka
waxaana ay u marsiiyeen deeqdan Gudiga Gurmadka Abaaraha ee Degmada
Caabudwaaq

Caaqil Axmed Haaraa oo ah Gudoomiyaha Gudiga Gurmadka Degmada oo ay
dhinac joogaan xubnaha gudigaasi ayaa la wareegay deegda waxaana

Dr. Axmed Nuur Macalin Cali oo kamid ah Dhaqaatiirta ka socotay Gudiga
Gurmadka qaran ee Dalka ayaa waxaa uu oga waramay warbaahinta qaranka
kormeer ay ku sameeyeen xarumada lagu daweynayo dadka qaba xanuunka
Shuban biyoodka

Ugu Dambayn Agaasimaha Wasaarada Caafimaadka Galmudug kana wakiil ah Wasaarada Gargaarka ee dowlada federalka Cali Ciid ayaa sheegay in deeqdan aysan ahayn tii u horaysay ama u danbaysay balse ay deeqo kale dhawaaan soo gaarsiin doonaan Gobolka iyo Degmooyinka Waqooyiga Gobolka galgaduud kuwaas oo loogu talo galay in dadka ay abaaruhu saameeyen iyo kuwa isbitaalada jiifa ee cudurka shuban biyoodka uu so ritay ama nafaqo daro hayso .

Facebook Comments