Dawladda Kenya Oo Shaacisay Tiradda Askarta Looga Dilay Qaraxii Dhoobley.

0

Qoraal uu Uhuru Kenyatta soo dhigay Bartiisa Twitter-ka ayuu kaga hadlay Dagaalka Alshabaab iyo qaraxii lagu dilay  8 Askari oo Kenyan ahaa.

Waxa uu  u tacsideeyey Qoysaska Askartaas lagu dilay Qarixii habeenkii Axada ka dhacay Degmada Dhoobley ee Gobalka J/Hoose, wuxuuna ku tilmaamay inay ahaayeen Askar u dhintay Difaaca Dalkooda.

Uhuru Kenyatta waxa uu ku goodiyey inay sii wadi doonaan wax kasta ha ku qaato Hawlgalka La-dagaalanka Alshabaab, isla markaana ay ka guuleysan doonaan, waa sida uu hadalka u dhigay.