Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284
Somali News

Dawlada Soomaaliya Oo Xog Lama Filaan ah Ka Bixisey Dilka Amiir Katirsanaa Shabaab

Faah Faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Horjooge sare oo ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay degaanka Yaaqbari  ee Gobalka Shabeelaha Hoose sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta maamulka Gobalka Shabeellaha Hoose

Horjoogahaan oo qaabilsanaa degmada Wanlla-Wayn ee Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa la sheegay in ay dileen dadka degaanka waxaana degaanka Yaaqbari-wayne ka taagan xiisad arintaasi ka dhalatay oo u dhaxeysa Al-shabaab iyo dadka degaanka, iyadoo dadka shacabka ay billaabeen inay Al-Shabaab iska celiyaan.

Dadka Yaaqbar Weyne ayaa meydka Horjoogaha  la dilay oo magaciisa lagu soo koobay Gar-Gaduud usoo qaatay Wanlla-Weyn, waxaana halkaas isugu soo baxay dadweyne badan.

Horjoogaha la dilaya ayaa qaabilsanaa Baada iyo Dhaca loo gayto ilaa iyo Afartan tuulo oo ka tirsan Shabeellaha Hoose dadka ku nool.

Shacabka deegaanada Shabeellaha Hoose ayaa markii ay u dul qaadan waayeen ficilada ka soo horjeeda diinta Islaamka ee Al-Shabaab wadaan ayaa haatan waxay billaabeen inay Hubka qaataan oo ay iska dhiciyaan Al-Shabaab.

Related posts

Top News: Ahlu-sunna oo warbaahinta amarkan duldhigtey, iyadoona……………

admin

Fanaan Digriyow Abdi Cilmi oo wax lala yaabo ku tilmaamay saxaafad ku sheeg isaga u geftay.

admin

Wararkii ugu dambeeyay Dagaal culus oo Xalay ka dhacay qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho kadib Markii….

Tifaftiraha K24