Dardarta Cusub ee Guddoomiyaha Maxkamadda sare la yimid oo Dhuun qabad ku noqotay Garsoorayaal badan

0

Garsoorka iyo Cadaaladda Dalka oo wixii ka dambeeyay bur burkii dowladdii dhexe noqotay meel aad u liidato oo saameyn weyn ay ku yeelatay dowlad la’aantii dalka ka jirtay dhowr iyo labaatan sanno.

Garsoorka iyo maxkamaddaha dalka oo uu halakeeyay musuq maasuq iyo laaluush aan caadi aheyn ayaa waxaa dhibaato weyn ku qabay bulshada cadaalad doonka ah ee maxkamaddaha dalka u raadsan jiray in ay cadaalad ka helaan.

Dadka badankood waxa ay ka rajo dhigeen in ay cadaalad u raadsadaan maxkamaddaha dalka iyagoo u aaneynaya in waxa ugu horreeyo ee la weydiinaayo in ay aheyd laaluush iyo lacago loogu adeego si shaqooyinka ay rabaan loogu qabto.

Dadka hantida heysta ee doonaya in ay baadaan hanti dadweyne iyo xoolaha shacabka waxaa u fududeyd in ay helaan garsoor fadlan lacag ku shubo ah oo u dhameyn kara wax alaala wixii maxkamdeyn ah oo ay uga baahdaan dhammaan maxkamaddaha dalka iyadoo loo xukmin jiray wax aysan laheyn .

Tan iyo wixii ka dambeeyay markii la magacaabay madaxweynaha ummadda soomaaliyeed ay ku faraxday mudane maxamad c/llahi farmaajo waxaa si dhab ah isu beddelay rajo beelkii shacabka ku hungoobay helidda cadaalad waarta waxaa soo noolaatay rajada dowladnimo iyo tan cadaalad ee bulsho ay ku naaloon karto.

Madaxweyne Farmaajo waxyaabaha ugu waaweynaa ee uu balan qaaday waxa ay aheyd in la helo cadaalad qofkasto usoo hiran karto iyo garsoor ku shaqeynaya Rabitaanka shacabka oo ay cadaalad ku dheehan tahay.

Madaxweynaha wuxuu shaqadii ugu horreeysay ee madaxtooyada markuu yimid ka dhigay in uu hagaajiyo nidaamka garsoor ee dalka ka jira waxaa is beddel muuqda lagu sameeyay hoggaankii garsoor ee markaa maxkamadda hoggaaminaayay waxaana uu madaxweynaha xilka ka qaaday guddoomiyihii maxkamadda sare mudane Ibraahim Iidle Suleymaan.

Madaxweynaha oo tixgalinaya cabashada muwaadiniinta Soomaaliyeed, garsoorayaasha, hawl-wadeennada garsoorka iyo xirfadleyaasha sharciga ee la xiriira in la helo garsoor hufan oo caddaalad ah, ayaa go’aansaday in dib u habeyn ballaaran lagu sameeyo hay’adaha garsoorka si muwaadiniinta Soomaaliyeed ay u helaan garsoor hufan oo la isku halleyn karo ayaa magacaabay mudane Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed in uu noqdo guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka.

Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed islamarkii la magacaabay wuxuu dardar galin xooggan ka bilaabay howlihii maxkamadda qaban jirtay iyo xaruntii maxkamadda sare ee bulshada loogu adeegi jiray.

Dhismaha Xarunta Maxkamadda Sare

Waxaa dayactir lagu sameeyay maxkamdda sare ee dalka si howsha ay bulshada u heyso ay u noqdaan howlo dardar ku socda shacabkuna ay ka helaan dhamaan adeegyada garsoorka .

Musuquu iyo wax is daba marintii oo dagaal culus uu la galay

Guddoomiyaha cusub oo ah nin  dhalinyaro oo qibrad u leh garsoorka ayaa wuxuu bilaabay in uu la dagaallamo musuq maasuqa iyo wax isdaba marintii ka jirtay garsoorka dalka waxaana uu durbadiiba usoo jeediyay madaxweyne farmaajo in uu magacaabo Guddoomiyeyaasha Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo Maxakamadda Racfaanka Gobolka Banaadir madaxweynahana wuu aqbalay soo jeedinta garyaqaan baashe yuusuf wuxuuna soo magacaabay Garyaqaan Muuse Macallin Maxamed oo loo magacaabay guddoomiyaha maxkamdda gobolka banaadir iyo Garyaqaan Abshir Cumar Cabdullaahi oo isagana loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka.

Feelashii la xadi jiray oo loo bedelay System Computer

Waxyaabaha sida weyn loogu amaanaayo guddooomiyaha maxkamadda sare ee dalka ayaa ah in uu maxkamadda sare kusoo kordhay nidaam cusub oo tiknoolajiyadda adduunka la jaan qaadaayo taasi ah oo system computer oo lagu keydin doono dhammaan gal dacwadeedka maxkamadda sare yaalo taasi oo meesha ka saareyso warqaddihii feelasha ee horay loo qaadan jiray dhibaata weynna lagu qabi jiray.

Musuq maasuqa iyo laaluusha maxaa laga qabtay?

Waxaa si muuqata maxkamadda sare looga saaray xubnihii qaadan jiray lacagaha ee ku sifoobay musuq maasuqa iyo wax is dabamarinta waxaana taasi ay aheyd balan qaadkii madaxweyne farmaajo ee ahaa in gabi ahaanba dalka laga ciribtro waxa loogu yeero wax is dabamarin iyo laaluush .

Tababare kala duwan oo aqoontooda lagu kordhinaayo ayaa u bilowday laamaha kala duwan ee garsoorka dalka waxaana kor loo qaaday tayada garsoorayaasha.

Waxaa si dhab ah loogu ballamay in la suuliyo xukuumad aan cadaalad ku dhisneyn iyo garsoor ka hufan musuq maasuq iyo cadaalad darro.

Garsoorayaashii musuqa ku caanbaxay oo dhibsaday dardarta cusub ee uu la yimid guddoomiyaha cusub waxaana ay bilaabeen in dacaayaddo raqiis ah ay warbaahinta gudaha ka sheegaan waxaana muuqata in garsoorayaasha cunaqabteyn laga saaray dhaqaalihii sanado badan ay ku heysteen maxkamadda.

Gun iyo gunaanud shacabka soomaaliyeed waxaa cod dheer ay ku sheegeen in madaxweyne farmaajo uu dedaal xooggan galiyay dhisidda garsoor cadaalad ah iftiinka ugu horreeya ee garsoorkana uu hadda soo muuqday waxaana shacabka ay ku amaaneen guddoomiyaha cusub ee maxkamadda sare ee dalka dardarta cusub ee uu la yimid iyo hufnaanta shaqo ee guddoomiyaha ka wado garsoorka dalka oo ay ugu sarreyso maxkamdda sare ee dalka.