Animation

Danjire Nicholas key oo Xil kaqaadis lagu sameeyey Iyo Ergey Cusub oo loo soo magacaabay Soomaaliya

no responses
Tuesday November 24, 2015 - 7:27 under Somali News by admin
mqdefault
Spread the love

K24 — Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-moon ayaa Ergey cusub u soo magacaabay Soomaaliya, kaasoo bedeli doona ergeygii hore Danjire Nicholas Kay.

Ergeyga cusub oo u dhashay dalka Britain ayaa lagu magacaabaa Michael Keating waxaana uu noqon doonaa Madaxa howl galka taageerada Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya (UNSOM)

Mr Keating ayaa xilka kala wareegaya Nicholas Kay oo ay isku wadan yihiin, kaasoo dhamaadka sanadkan ay u dhamaan doonto howshiisa, kadib labo sano iyo bar oo uu xilkaas hayay.

Ergeyga cusub ayaa la sheegay in waayo-aragnimo uu u leeyahay nabadeynta iyo arrimaha siyaasada, waxaana sidoo kale uu ka soo qeyb qaatay mashaariicyo dhinaca bani’aadanimada oo laga fuliyay Afghanistan, Bariga Dhexe iyo Africa.

Sidoo kale waxaa uu tan iyo sanadkii 2012 ahaa Agaasimaha Machadka Chatham House, waxaa uu ahaa La taliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ee arrimaha Suuriya 2010-2012..

Danjire Keating waa 56 jir, waxaa uu ku dhashay dalka Uganda, magacaabistiisa ayaa ku soo aadeysa, iyadoo sanadka 2016 la gali doono kala guur siyaasadeed iyo doorashooyin la filayo inay ka dhacaan Soomaaliya.

Facebook Comments