Danjire Keating oo Toosh ku ifiyay Sababta ka dambeysa Khilaafka u dhaxeeya Dowladda iyo Maamul Goboleedyada

0

Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Michael Keating oo xilka uu kasii dhammaanayo ayaa sheegay in mustaqbalka Soomaaliya uu ku jiro gacanta Soomaalida.

Wareysii uu VOA siiyey ayuu Keating ku sheegay in loo baahan yahay inay si wadajir ah u wada shaqeeyaan Soomaalida, si waddanka faa’iidadiisa dhaqaale iyo khayraadkiisaba loo soo saaro.

Keating oo xafiiska ka tageyga kowda bisha October – Waxaa beddelay Nicholas Haysom oo u dhashay South Afrika –  ayaa sheegay in horumar laga sameeyey in dhinacyada ay isku raacaan hanaanka amniga qaranka, balse dhibaatooyin siyaasadeed ay diidan yihiin in Soomaaliya ay hore u dhaqaaqdo.

“Halka aan isleeyahay dhibaato ayaa ka jirta weli waa is-aaminaad la’aan siyaasadeed oo ka dhex jirta madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamullada, xilli doorashooyin ay soo siqayaan” ayuu Keating ku yiri wareysiga.

“Haddii waxyaabaha qaar ay ka sameyn karaan tanaasul, taasi waxay u faa’iideyn doontaa dhammaan dadka Soomaalida iyo maal-gelinta ay beesha caalamka dooneyso inay ku sameyso Soomaaliya” ayuu yiri Keating.

Keating ayaa nasiib darro ku tilmaamay go’aankii ay qaateen madaxda maamul goboleedyada ee ay toddobaadkii tagey ku hakiyeen wada-shaqeyntii ay la lahaayeen dowladda federaalka.

“Waa arrin nasiibdarro ah, waxaana rajaynayaa in deg deg loo saxo qaladkaas, oo ay madaxda maaamullada ogolaadaan inay la kulmaan madaxweynaha, ayaga oo aqbalaya casuumaddiisa, oo ay dhinacyada fariistaan kana hadlaan danta Soomaaliya” ayuu yiri Michael Keating.