Animation

Damujadiid oo wacad ku maray in ay Fashilin doonan Madaxweyne Farmaajo.

no responses
Friday February 10, 2017 - 6:27 under Somali News by admin
mqdefault

Xog hoose oo ay heshay wakaaladda wararka ee K24 ayaa waxay sheegayaan in kooxda Damuljadiid ay damacsan tahay qorshe aad u ballaran oo ku aadan in amni xumo magaalada Muqdisho laga maleego.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay waxay sheegayaan in Kooxda ay abaabulayaan kooxo magaalada ka geysta qaraxyo, islamarkaana qasa amniga hadda ka jira magaalada.

Sido kale waxa kooxdaani ay Magaalada dhawaan so galin rabta Buskoolado badan oo ay raban in wax logu dhimo amniga magaalada.

Kooxda ayaa ulajeedkeeda waxay tahay in shacabka Muqdisho ku nool ay ka niyad jabiyaan dowladda cusub ee Mudane Farmaajo.

Waxaa jirta in laamaha amniga ay iyaguna ka war heleen qorsheyaalkan, islamarkaana ay wadaan howlgalladii lagu fashilin lahaa.

La soco wixii xogtaan kusoo kordha