Animation

Dalxiise u dhashay Wadanka Jarmalka oo lagu dilay Xaduudka dalka Itoobiya

no responses
Tuesday December 5, 2017 - 2:01 under Somali News by sudani
mqdefault
Spread the love

Dalxiise u dhashay dalka Jarmalka ayaa lagu dilay waqooyi bari dalka Itoobiya, gaar ahaan meel ku dhow Xuduuda Eritrea.

Wararka ayaa sheegaya in dalxiisahan u dhashay Jarmalka uu la socday Koox Dalxiisayaal ah oo booqanayay deegaanka Buuraha ee Erta Ale Volcano, halkaasoo ah goob caan ku ah dalxiiska.

Koox aan la garaneyn heybtooda ayaa dilay dalxiisahan, halka qof kale oo dhul yaqan ah ay dhaawaceen, Ma cada illaa iyo hada cida ka dambeysay weerarkan.

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay inay baareyso dilkan, maamulka deegaanka ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka la geeyay goobta uu falka dilka ka dhacay, halkaasoo koox hubeysan ay ka howl galaan.

Sanadkii 2012 ayay aheyd markii isla goobtan lagu dilay shan dalxiise ah, halka afar kalena la afduubtay, kaddib markii ay dabley hubeysan jidka u galeen.

Weerarkaas ayaa waxaa sheegtay kooxda hubeysan oo ka soo jeeda Qowmiyadda Cafarta oo la magac baxday Dhaq dhaqaaqa Kacaanka Dimoqraadiyada Cafarta.

Facebook Comments