DALKA DOWLAD BAA KA JIRTA: Xukuumada Somaliya oo Shatiga  duulimaadyada  kala laabatay shirkadda Jubba Airways.

0
Warning: sizeof(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-content/plugins/ad-injection/ad-injection.php on line 824 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-content/plugins/ad-injection/ad-injection.php on line 831

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ruqsadii duulimaadyada dalka kala laabatay shirkadda duulimaadyada Jubba Airways oo lagu eedeeyay in shatigeeda ay ku duulaysay diyaaraddi sabtidii ka degtay magaalada Kismaayo.Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ruqsadii duulimaadyada dalka kala laabatay shirkadda duulimaadyada Jubba Airways oo lagu eedeeyay in shatigeeda ay ku duulaysay diyaaraddi sabtidii ka degtay magaalada Kismaayo.
Ilo-wareedyo ka tirsan hey’adda duulista hawada ayaa Warbaahinta Xogwaran News u xaqiijiyay arirntaan, sidoo kale xildhibaano ka tirsan golaha shacabka oo uu ka mid yahay xildhibaan Xasan Macalin ayaa ku soo daabacay bartiisa Facebook-ga warkan.
Diyaaradda Fokker 50, oo lambarka diiwaankeedu yahay 5Y-JXJ, kana diiwaan gashan dalka Kenya, ayaa sida la sheegay ku duuleysay shati ay leedahay shirkadda Jubba Airways oo ka mid ah shirkadaha duulimaadyada dalka.
Diyaaradaas ayaa jabisay xayiraadii ay dowladda federaalka ku soo rogtay bishii hore magaalada Kismaayo, taas oo ahayd in diyaaraddi tagaysa ama ka duulaysa magaaladaas ay waajib ku tahay in ay soo marto magaalada Muqdisho iyo sidoo kale, amar kale oo ahaa in 24-saac ka hor ay diiyaaradu soo gudbisato codsigeeda ku aadan duulimaadka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.