Somali News

Dal daris la ah Somaliya oo beenisay in dalkeeda laga helay qof qaba Coronavirus

Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa waxay si xoogan u beenisay wararka sheegaya in qof qaba xanuunka Coronavirus laga helay dalkeeda.

Dalka Jabuuti ayaa waxaa ku sugan kun (1,000) askari oo ka socda dhulweynaha Shiinaha, kuwaa oo saldhig militari halkaasi ku leh.

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Jabuuti ayaa war uu soo saaray ku sheegay qof qaba cudurka Coronavirus, una dhashay dalka Shiinaha in lagu arkay dalka Jabuuti, taasoo walaac ku abuurtay dadka reer Jabuuti.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jabuuti ayaa waxba kama jiraan ku sheegtay warka ka soo yeeray Ciidamada Mareykanka ee dalkaasi ku sugan.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa qoraal ay soo sheegtay ku cadeysay illaa iyo hadda inta laga warqabo aanu jirin qof qaba Coronavirus oo lagu arkay dalkeeda.

Isu socodka Jamhuuriyadda Jabuuti iyo Shiinaha oo mid joogto ah ayaa waxaa jira dareen ay dadku ka muujinayan suurtagalnimada in Ciidamada Shiinaha ay cudurka u soo gudbiyaan Jabuuti.

Related posts

XOG: Dowladda soomalia oo baadi goobeysa Dukumiintiyo la sheegay in siyaasiyiinta mucaaradka ay…..

admin

Sawirro: Madaxa Xukuumadda iyo Mas’uuliyiinta Galmudug oo Kormeeray Garoonka Diyaaraddaha Dhuusamareeb

admin

DEG DEG: Rasaas Xoogan oo laga dhexmaqlaayo Maqaayada Banaadir Beach iyo Dadkii ku jiray oo….

Tifaftiraha K24