Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284
Somali News

Dagaalka Yemen: Waddamada hubka iibiya ayaa lagu eedeynayaa hubka ay ka iibiyeen Sacuudiga oo dagaal ka wada Yemen

Hayadda Oxfam ee gargaarka iyadoo tilmaamaysa ololaha weerarka ee uu Sacuudiga uu hogaaminayo ee ka socda Yemen, ayaa ku eedeysay Britain in ay ahayd mid taageerta heshiiska hubka hadana ay noqotay kuwa ugu daran ee jabiya sharciga.

Kooxaha xuquuqda bini’aadanka ayaa sheegay, in kumanaan dad rayad ah ay ku dhinteen Yemen, iyo weerarada lagu qaadayo isbitaalada inay cadayn u tahay in loo baahan yahay waddamada in ay dhimaan ama ay joojiyaan ka iibinta hubka waddamada dagaalka uu ka jiro.

Sidoo kale kooxaha xaquuqda bini’aadanka ayaa sheegay, in hubka ay iibiyaan Shiinaha, Koonfur Afrika iyo Ukarain inuu sii kordhiyay dagaalka ka socda Suudaanka Koonfureed.

Adduunka oo dhan hubka la iibiyo ayaa lagu qiyaasayaa in qiimahiisu uu dhan yahay 1.7 trilion oo dollar sanadkii.

Related posts

DegDeg:- Qarax baabuur oo ka dhacay Dalka Masar

Ahmed sudani

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay Qaraxii Alshabaab saakay ku weerartay Dagmada Hodan

admin

Daawo: Qarax ay ku dhamaadeen shacab badan oo ka dhacay maqaaxi ku taala agagaarka…..

Tifaftiraha K24