Dagaalamayaasha Alshabaab oo weerar culus ay gaadiid dagaal kula wareegeen ku qaaday dagmada….

no responses
Tuesday February 13, 2018 - 5:31 under Somali News by admin
mqdefault
Spread the love

Dagaalamayaal ka tirsan alshabaab ayaa xalay weerar culus ku qaaday saldhigyada ciidamada dowaldda ay ku leeyihiin dagmada afgooye.

Dagaal la isku adeegsada hubka noocyadiisa kala duwan ayaa dhexmaray labada dhinac waxaana dhawaqa rasaasta laga maqlayay xaafadaha kala duwan ee dagmada afgooye.

Alshabaabkii hubeysnaay ee dagaalka soo qaaday ayaa gudaha usoo galay dagmada afgooye waxaana dagaalamayaasha lagu arkaayay xaafado kamid ah dagmada afgooye ee gobolka shabeellada hoose.

Wararka qaar ayaa sheegaya in alshabaab ay dagaalka kula wareegtay laba gaadiid oo nooca dagaalka ah.

Facebook Comments