Animation

Dagaal Khasaaro geystay oo Mudug ku dhexmaray Dad kasoo kala jeeda Galmudug & P/Land (SABABTA)

no responses
Tuesday July 11, 2017 - 9:27 under Breaking News by Kaafi
mqdefault

Faah Faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa dagaal gobolka Mudug ku dhexmaray dad xoolo dhaqato ah oo kasoo kala jeeda P/Land iyo Galmudug

Dagaalkan ayaa ka dhacay deegaanka Gacma-Fale ee duleedka magaaladda Gaalkacyo, waxaana lasoo sheegayaa inuu ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Inta la ogyahay sedex ruux ayaa geeriyootay halka tiro intaas ka badana ay dhaawacmeen, dhamaan dadka waxyeeladu soo gaartay ayaa ahaa dhinacyadii dagaalamayay.

Wararka ayaa sheegaya in dadka dagaalamaya ay isku haystaan arimo la xariira dhul daaqsineed iyo aanooyin qabiil.

Maamuladda P/Land iyo Galmudug wali kama aysan hadlin dagaalkan ka dhacay miyiga Gaalkacyo, waxaana la sheegayaa in wali maleeshiyo beeleedkku is-horfadhiyaan.