Maqaalo iyo Warar Somali News Top News

Dagaal Ka Dhan Ah Al-Shabaab Oo Laga Iclaamiyay Deegaanada ay ka Arimiyaan Ahlu-suna Waljamaaca

Gudoomiyaha Guud ee Culimadda Ahlusuna Wal-Jamaaca ee ku biiray Maamulka Galmudug ayaa kulamo dhinaca Nabada iyo Amniga ah waxa uu la qaatay qaar ka mid ah Bulshada ku nool Gobolka Galgaduud.

Maxamuud Sheekh Xasan Gudoomiyaha Guud ee Culimadda Ahlusuna ayaa waxa uu safar dhinaca dhulka ah ku tegay deegaanada Xanan-buure Bangeelle iyo Huure,isaga oo Bulshada deegaanada kala hadlay sidii deegaanada Maamulka Galmudug ka maqan dib loogu xurreyn lahaa.

Madaxa Warfaafinta Culimada Ahlusuna Muxudiin Cali Jimcaale( Jakuula) ayaa sheegay in Gudoomiyaha guud ee Culimada Ahlusuna uu Bulshada deegaanadaas kula dardaarmay ka Shaqeynta Nabada iyo Amniga.
Waxa uu sheegay in Bulshada Deegaanadii ay wefdigaan tageen ay isla garteen in siwadjir ah looga wada qeyb qaato sidii Al-Shabaab looga saari lahaa deegaanada Gobolka Galgaduud oo ay weli Gacanta ku hayaan.

Maamulka Ahlusuna ee gobolada dhexe ee la midoobay Galmudug ayaa waxa uu mudo dhowr Sano ah dagaal la galay Al-Shabaab iyaga oo ka saaray deegaano badan oo Gobolka Galgaduud ka tirsan sida Dhuusa Mareeb iyo Guriceel.

Related posts

War hada: Maxaadan Ogeyn oo Dowlada Ingariiska ay u balan qaaday Soomaliya??

Tifaftiraha K24

Wasiirka Arimaha Gudaha oo Kulan Deg Deg ah iskugu yeeray Odayaasha Dhaqanka Galmudug

admin

XOG: Qaramada Midoobay oo diiday in Diyaarado soo daabula Xildhibaanada ay u dirto Magaalooyinka Cadaado, garoowe, kismaayo, Baydhabo iyo Jowhar

Tifaftiraha K24