Animation

Dagaal Dhimasho sababay oo ka dhacay Kismaayo.

no responses
Saturday November 5, 2016 - 3:10 under Somali News by admin
mqdefault

Waxaa Galabta galinkii danbe Casar liiqii Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobalka Jubbada Hoose Toorey isku dilay labo ka mid ah Ergooyinka wax dooranayo ee ku sugan Magaalda.

Labada Nin ayaa Toorey isku labaxay waxa ayna bilabeen in ay isla dhacaan, waxaana goobta ku geeriyooday mid ka mid ah.

Ragaan Torayda isla dhacay ayaa kaso jeedo hal beel waxaana soo kala dhex galay muran ku salaysan qaabka lomarayo soo xulista Xildhibaanka Matalaya Besha ay kaso jedaan.

Ninka dhaawacmay ayaa lagaarsiiyay Isbitaalka Magaaaada kismaayo halka midka dhintayna lageeyay dhagaxa mayka isbitaalka.

Maamulka Jubbaland iyo Gudiga Doorashooyinka jubbaland ayaa wali ka hadlin shilkaan galabta ka dhacay Magaalada Kismaayo.