Somali News

Dagaal dhexmaray ciidamo Itoobiyaan ah iyo kooxda. 

Gobolka Hiiraan waxaa laga soo sheegayaa dhibaato dagaal oo cusub, ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Itoobiya ayaa dagaal la galay maleeshiyada hubeysan ee loo yaqaano Macawiisley.

Sida xogta lagu helay dagaalka wuxuu ka dhacay tuulada Af qurun oo 48KM u jirta deegaanka Far Libaax, wuxuuna dagaalka ku bilowday kadib markii ciidamada Itoobiyaanka ah ay kusoo dhaceen fariisin ay lahaayeen ciidamada maleeshiiyaadka.

Kala shaki ay kala qaadeen darteed ayuu dagaalka ku bilowday, saacado ayuu dagaalka dhexmarayay labada dhinac, warbaahinta ayaa soo tabisay in dhawr iyo toban qofood ay dagaalka uga dhinteen labada dhinac, sidoo kalana dhaawac badan uu jiro.

Ciidamadaan maleeshiyaadka ah waxey ka hawlgalaan gobolada Hiiraan iyo Bakool, waxeyna sidoo kale dhawr jeer dagaalo la galeen Al-Shabaab.

Ciidanka AMISOM, maamulka Hirshabelle iyo Dowladda Federaalka ahba kama hadlin khasaaraha ka dhashay dagaalkii labada dhinac dhexmaray.

Related posts

AKHRISO:- Waa Maxaay Caqabadaha Heysta Dib-U-Eegista Dastuurka Soomaaliya?

Ahmed sudani

Madaxweyne Gaas oo Kulan Casho sharaf ah la qaatay Safiirka Imaaraadka u fadhiya soomaaliya

Tifaftiraha K24

DEG DEG: Alshabaab oo Goordhaw Dagaal Culus kula wraeegay Dagmada Qoryooley iyo Xaalada oo Kacsan

Tifaftiraha K24