Dagaal Culus Oo Dib Uga Bilowday Tukaraq Iyo Awoodo Cusub Oo Ku Soo Biiray.

0

ciidadama somaliland iyo puntland ayaa markale dagaal uga bilowday  Deegaanka Tukaraq ee gobolka sool Dagaalkaan ayaa u dhaxeeyay ciidamo mudo isku horfadhiyay deegaankaasi oo saaka dagaalka isku qaaday mina midka kale ku eedeeyay.

 

Ciidamada somaliland ayaa sheegay in ay Puntland ka qabsadeen Maxaabiis qasaarana ay Gaarsiiyeen Dhinaca kale Puntland ayaa sheegtay in Ay Qabsatay Tukaraq Laakiin Wali Faahfaahin Rasmi ah lama Hayo.

 

Dagaalka ayaa dib u Bilowda mudo Saacado ah oo Roob Culus Halkaasi Ka Da’ayay uu Hakad Galiyay Ciidamada ayaana Hada isku Adeegsanaya Hubka Waa Weyn iyo Kan Yaryar.