Arimaha Bulshada Kaydka Wararka Xulka ah Somali News Xulashada K24

Dagaal Ciidamada Dowladda, AMISOM iyo Al-shabaab ku dhexmaray duleedka Degmada Diinsoor.

Dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Somalia oo gacan ka helaya ciidamada AMISOM iyo Al-shabaab ayaa Xalay ka dhacay dulleedka Degmada Diinsoor ee Gobalka Bay.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka oo ka dhacay deegaan lagu magacaabo Buush Madiino oo ku dhow Diinsoor ay ku dhinteen ugu yaraan saddex qof oo dhinacyadii dagaalamayay ka mid ayna ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan.

Dagaalkan ayaa yimid kaddib markii xoogag ka tirsan Al-shabaab ayaa weerar ku qaadeen ciidammo ka tirsan kuwa dowladda iyo AMISOM oo deegaankaas ku sugnaa. Dagaalkuna uu muddo socday.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, ayna arkeen khasaaraha 3-qof ee ku dhintay, balse ay dhici karto in khasaaruhu ka badan karo intaas.

Sidoo kale, saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ee ku sugan Degmada Diinsoor ayaa warbaahinta u sheegay in Al-shabaab ay dib ugu celiyeen goobihii ay markii hore kasoo duuleen, inkastoo aysan ka hadlin khasaaraha dagaalka kasoo gaaray.

Dhanka kale, Taliyaha ciidamada Xoogga dalka ee Diinsoor, Col. Xasan Aadan Yarow oo isagana Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in deegaankii uu dagaalku ka dhacay ay iyagu si buuxda gacanta ugu hayaan.

Ugu dambeyn, taliyuhu wuxuu sheegay in ciidanka Dowladda ay Hadda wadaan howlgal lagu xaqiijinayo Amniga guud ee Diinsoor, ayna diyar u yihiin inay ka hortagaan cid walba oo amniga caqabad ku ah.

Related posts

Kooxda AL-Suufa oo Ciidamo farbadan geysay Magaalada Dhuusamareeb.

admin

Daawo Sawirrada: Mudo 26 Sano Kadib Dib u dhis Lagu Sameeyay Wado aad Muhiim u aheyd oo ku taala Magaalada….

Tifaftiraha K24

Jubbaland oo warka soo saartay Shirkii Kismaayo

admin