Somali News

Dagaal Beeleed ka aloosan Bariga Fog ee Gogabalka Mudug.

Xiisad Ayaa Ka Jirta Deegaanka Buqraas oo Hoos Tagta Degmada Afbarwaaqo Ee Bariga Gobolka Mudug.

Wararka aan ka helayno Caawa Deegaanada Dhaca Bariga Durugsan ee Gobolka Mudug Ee Galmudug ayaa sheegaya In Galinkii Danbe ee shalay Israsaaseyn kooban ay dhex martay  Ciidamo ka kala Tirsan Galmudug Iyo Puntland.

Deegaanka Buqraas oo Qiyaastii In kayar 10 KM dhanka Tawfiiq ka xiga Afbarwaaq ayaana ah goobta uu dagaalka ka dhacay sida wararku sheegayaan.

Israsaaseyntaan Ayaa timid Kadib markii Dabley Ku hubeysan Gawaari dagaal kana amar Qaatay Puntland is hortaag Ku sameeyeen Gawaari siday raashin Macaawino ah oo ka baxay gaalkacyo dhanka galmudug Kuna socotay Deegaanka La yiraahdo Buqda Taasi Oo sababtay in gaadiid dagaal iyo ciidamo ka Tirsan Galmudug ka baxeen Afbarwaaqo Is-rasaaseyn Muddo kooban socotay ayaa dhex martay Labada dhinac.

Related posts

Daawo: Eedeysanayaal lala xiriirinayo qarax ay dad badan ku dhinteen oo ka dhacay degmada Waabari ayaa maanta….

Tifaftiraha K24

Daawo Sawirro: Xoolo ku baaba’ay Dagmada Wanlaweyn kadib Markii la sheegay in Sun la siiyay

Tifaftiraha K24

Dhagayso:- Wasiir Goodax Barre oo ka hadlay Dagaaladda Shabeelaha

admin