Animation

Dadweyne careysan oo ku hor bannaanbaxay Safaaradda Turkiga ee Moscow (Daawo Sawirada)

no responses
Wednesday November 25, 2015 - 5:04 under Somali News by admin
mqdefault
Spread the love

Dadweyne ka careysan ficilkii uu Turkigu ku soo riday diyaaraddii Ruushka laga lahaa, ayaa waxay maanta isugu soo baxeen afaafka hore ee Safaaradda uu Turkigu ku leeyahay Magaalada Moscow Ee Xarunta Wadanka Turkiga.

Bannaanbaxayaasha, ayaa ukun iyo dhegxaan ku tuuraayay Dhismaha Safaaradda, iyagoona burburay qaar ka mid ah daaqadaha.

Ciidan ammaanka sugga oo la geeyay xeendaabka Safaaradda, ayaan waxba ka qaban waxyeelada loo gaystay Dhismaha Safaaradda, iyagoona sheedda uun ka eegaayay, balse waxay is hortaag ku sameeyeen in gudaha loo galo.

Tallaabada uu Turkigu ku soo riday diyaaraddii Ruushka, ayaa waxay xiisad aad u xoogan ay ka dhex dhalisay labada dal, xilli Turkiga uu gaaska ugu badan ee dabiiciga uu ka soo iibsado Ruushka.

Shacabka labada dal, ayaa waxay si weyn u hadalhayaan dhacdadaasi, waxaa kaloo jira in warbixino xoog lihi ay ka diyaarinayaan Idaacadaha iyo Wargeysyada ka jira dalalkaasi.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ruushka, Sergey Lavrov, ayaa wuxuu maanta shaaca ka qaaday inaanu Ruushka diyaar u ahayn dagaal uu la galo Turkiga.

Wasiirka wuxuu cadeeyay in tallaabadii lagu soo riday diyaaradoodu ay caqabad weyn ku noqon doonto xiriirka xidideystay, ee u dhaxeeya Xukuumadaha Ankara & Moscow.

isha dhacdo

Facebook Comments