Somali News

Dad u badan Macalimiin iyo arday Soomaali ah oo lagu xirxiray Magaalada Nayrobi.

Ciidamada ammaanka Dowladda Kenya ayaa hawlgallo ay ka sameeyeen xaafadda Islii ee magaalada Nairobi waxay ku xirxireen ilaa 43 qof oo Soomaali ah kuwaasoo hadda ku jira xabsiga magaalada Nairobi.

Dadkan la xirxiray ayaa la sheegay inay u badan yihiin macallimiin iyo arday Soomaali ah kuwaasoo ciidamada boolisku aysan wall cadeynin dambiga loo soo qabtay.

Ciidamada Kenya ayaa dhowaanahan Nairobi ka waday howl-gallo ka dhan ah dadka looga shakisan yahay argagixisanimada.

Hase yeeshee guddiga amniga Islii ayaa sheegay inay rumeysan yihiin in ardaydan loo beegsaday sababo la xiriira inay si sharci-darro ah ku joogeen.

Maalmo ka hor ayey aheyd markii Booliska Kenya ay magaalada Nairobi ku qabteen shan xubnood oo u badan Soomaali heysata baasabooro ajnabi ah kuwaasoo looga shakiyey iney wadeen falal argagaxisenimo.

Related posts

K24 excusive: Lix wasiir oo xilalkoda ku waayi doona iskushan dheyn dhawaan dhacaysa.

admin

Daawo: Nuxurka Khudbadii Xasaasiga aheyd ee Madaxweyne Farmaajo Maanta u jeediyay Saraakiisha Xoogga Dalka

admin

Mareykanka oo sheegtay mas’uuliyadda duqeyn ka dhacay gobolka bari ee Puntland

admin