Animation

Dad Soomaali ah oo lagu xiray Magaalada Bangkok Ee Wadanka Thailand

no responses
Wednesday September 16, 2015 - 1:46 under Somali News by admin

Booliska Wadanka Thailand, ayaa weeraray dhisme ku yaala Magaalada Bangkok, oo ay degan yihiin dad magangelyo doon ah, oo u kala dhashay Somaliya iyo Pakistan.

Dadkan oo tiradoodu lagu sheegay 64 qof, ayaa waxaa dhammaantood lagu eedeeyay in sifo sharci daro ihi ay ku jooggeen Xarunta Thailand Ee Magaalada Bangkok, sida ay sheegeen Booliska Thailand.

Dadkan, ayaa waxay ka soo muuqdeen Maxkamadda Magaalada Bangkok, iyadoo lagu ganaaxay ganaax aan weli noociisu la shaacin. Sidoo kalana waxaa lagu wareejiyay Hay’adda Socdaalka Thailand (Suan Phlu).

Bayaan ay soo saartay Hay’adda Human Rights Watch, ayaa waxaa lagu sheegay in si khaldan ay Booliska Thailand u weeraren dadkaasi, xilli magangelyo ahaan ay u jooggaan dalkaasi.

Bayaanka, ayaa waxaa ku xusan in dadka la xiray ay ku jiraan carruur yar yar, xarigaasuna uu dhibaato ku yahay caafimaadka guud ee carruurtaasi.

Human Rights Watch waxay Xukuumadda Bangkok ugu yeertay inay oodda ka qaado dadkaasi, haddii ay u diiwaan-gishan yihiin qaxooti ahaan.

Thailand, ayaa xaalad feejignaan ah gashay, wixii ka ddambeeyay weerarkii qaraxa loo adeegsaday, ee 17-kii bishii hore ee August lagu qaaday macbadka Erawan Shrine, waxaana ku dhimatay 20 qof, halka 100 kalana ay ku dhaawacantay.

Somalida ku nool Magaalada Bangkok, ayaa waxaa la tilmaamaa inay isugu jiraan ganacsato, arday iyo dad qaxooti ahaan ugu diishaan-gishan Hay’adda UNHCR, oo Qaramada Midoobe u qaabilsan dhinaca qaxootiga.