Somali News

Dad Beeraleey ah oo lagu weeraray Afgooye

Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee gobalka Shabeelaha hoose ayaa ku waramaya in koox burcad ah ay xalay weerar ku qaadeen dad beeraleey ah waxa ayna halkaasi ku dileen mid ka mid ah dadkii ay weerareen.

Kooxda weerarka geysatay ayaa la tilmaamay in ay ku hubeysnaayeen tooreeyo, waxa ayna beertiisa ku dhaawaceen Cumar Nuur  kaas oo markii dambe u geeriyooday dhaawacii soo gaaray.

Dilka marxuumkan ayaa yimid ka dib markii kooxda burcadka ahayd sida la sheegay ay taleefankiisa ka waayeen lacag iyaga oo markaasina kula dhaqaaqay jirdil sababtay in uu aakhirkii u geeriyoodo.

Kooxdii burcadka ahyd ayaa isga baxsaday goobta mana jirto baadi goob ay sameeyeen laamaha amaanka ee magalaada oo lagu soo qabanayo raggaasi.

Related posts

Top News: Ciidamo Galmudug ka tirsan oo arin Puntland aad uga farxisey sameyey

admin

Guddoomiyaha Baarlamaanka Aqalka Sare Oo Baaq u Diray Warbaahinta

Sakariye Sakariye

Hadii la xusayo Afka hooyo, sow ciddii qortayna in la xuso ma mudna?

admin