Dableey hubeysan oo Caawa dagmada xamar-weyne ku dishay Muuse Mackoow oo kamid ahaa….

0

Dableey heebtooda aan la garan oo ku hubeysan bastooladdo ayaa caawa fiidkii gudaha dagmada xamar-weyne ku dilay allaha ha u naxariistee marxuum muuse mackow oo kamid ahaa ganacsatada dagmada xamar-weyne ee gobolka banaadir.

Dilka waxaa uu ka dhacay xaafadda koodka ee dagmada xamar-weyne iyadoona kooxdii dilka geesatay ay goobta ka carartay.

Lama oga sababta loo dilay marxuumka balse wararka qaar ayaa sheegaya in ganacsadaha uu ganacsi kala dhaxeyn jiray Ciidamada Amisom isgoona ciidamada u geyn jiray qudaarta noocyadeeda kala duwan taa beddelkeedana uu ka qaadan jiray tufaaxa oo uu sii iibin jiray.