Somali News

Dablay hubaysan oo ku dagaalantay buuraleyda Calmadow ee Gobolka Sanaag.

Wararka ka imaanaya degaanka Shidan oo ka tirsan gobolka Sanaag, gaar ahaan buuraleyda Calmadow ee kulaala Gacanka Cadmeed, ayaa sheegaya in halkaasi uu maanta ka dhacay dagaal culus oo u dhexeeya laba malayshiya-beeleed.

Dad kala duwan oo ku sugan degmooyinka Ceerigaabo iyo Yubbe, ayaa warbaahinta Maxaliga ah u sheegay, in dagaalka oo subaxnimadii hore ee saaka bilowday uu istaagay goor dambe oo duhurnimadii Jumcaha maanta ah, inkastoo aan weli la xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi.

Wararku waxay sheegaayan, in dagaalka labada malayshiya-beeleed uu salka ku hayo macdan noocya kala duwan leh, oo ay halkaasi ka wada-guran jireen labada dhinac, balse markii dambe ay ku heshiin waayeen.

Maleeshiyaadka ayaa la sheegay in wali halkaasi isku horfadhiyaan,inkaste oo uu dagaalkii joogsatay, walina ka aysan hadlin Maamuladda Puntland iyo Somaliland oo isku haysta Maamulka deegaanada dadka reer Miyigaa dagaalku dhexmaray.

Dagaalka labada dhinac, ayaa dhowr jeer oo hore ku dagaallamay degaanka Shidan iyo nawaaxigiisa, waxaana odayaasha iyo waxgaradka degmada Yubbe ay Somaliland ku eedeeyeen, in ay taageero siinayso dhinac kamid ah malayshiyaadka.

Related posts

The Foolproof all mail order wedding brides Strategy

Sakariye Sakariye

AKHRISO:- Muhiimadda Shir Looga Hadlayo Arrimaha Soomaaliya oo ka furmaya Belgium-ka

Ahmed sudani

Ururka Haweenka G/Banaadir Oo Deeq Gaarsiiyey Ciidanka Xasilinta Xamar & Waxa Dhacay [SAWIRRO]

admin