Dab ka Kacay Qeybo ka mid ah Mareykanka Oo Ruux 3: Somali ah ku Dhimatay

0

Ugu yaraan saddex Qof oo Soomaali ah ayaa geeriyooday kaddib markii uu dab qabsaday Guri ay degganaayeen oo ka koobnaa afar dabaq kaas oo ku yaalla Gobolka Massachusetts ee Dalka Mareykanka.

Dadka dhintay waxaa ay kala yihiin Oday iyo Labadiisa wiil oo Soomaali ah kuwaas oo degganaa dhismaha uu dabka qabsaday.

Wisaam Cabdul Baaqi oo ah Imaamka Masaajidka Magaalada ayaa sheegay in Odayga uu u gurmaday wiilasha oo ku jiray gudaha Guriga hayeeshee isagiina uu ku dhintay dabkaas kaddib markii uu go’aansaday in isaga iyo wiilashiisa ay gudaha isaga jiraan maaddaama aysan bixin karin.

Xaaska Odayga sidoo kalena ah Carruurta dhimatay hooyadood ayaa ka baxsatay Dabka iyada oo dhaawac ah ayey taallaaa Isbitaalka waxaana la filayaa in ay bogsato.

Kooxda dab damiska oo goobta gaaray ayaa sheegay in markii ay goobta tageen ay arkayeen labo qof oo ka boodaya dabaqa saddexaad,waxaana ay kala ahaayeen Haweeney uur 4 bilood ah leh iyo cunug yar ,kuwaas oo hadda dhaawac ah.

60-80 Qof oo degganaa dhismaha ayey u sooragashay in ay ka baxsadaan Dabkaasi ka kacay Guriga Dabaqa ay ee ay wada degganaayeen.

Lamaaha amaanka iyo kuwa dab damiska ee Magaalada ayaan wali shaacinin sababta dabkaas dhalisay iyaga oo kaliya sheegay in ay wadaan baaritaan arrintan lagu ogaanayo.