Dab Ka Kacay Muqdisho Oo ku dilay Hooyo iyo 6 caruur ah

0

Ugu yaraan Todobo qof ayaa geeriyootay kadib markii xalay saq dhexe uu Dab ka kacay guri ku yaala degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir, sida ay  sheegeen Maamulka degmadaasi.

Dadka dhintay waxa ay isugu jiraan Hooyo iyo 6 Carruur ah oo ay dhashay, iyada oo sidoo kale uu dhaawac soo gaaray Aabihii guriga oo howlo samata bixin ah u sameynayay qoyska.

Dabkan oo ay dadka degaanka ay sheegeen in ay sababay Koronto ayaa dhimashada badan ee ka dhashay waxa ay ka dambeysay kadib markii dadka guriga degnaa xilligaasi ay hurdayeen.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Maxamed C/laahi (Tuulax) ayaa sheegay in xalay goor dambe ay u gurmadeen dadkii deganaa guriga uu dabka ka kacay, intii karaankooda ah.

Waxaa uu sheegay in nasiib daro dadka deganaa guriga ay intooda badan geeriyoodeen kaliyana uu ka bad baaday Aabihii guriga oo isaguba dhaawac ah.

Tuulax ayaa sheegay in ay ku dadaaleen xakameynta Dabka si uusan ugu fidin xaafadaha kale ee ka agdhaw khasaaruhuna uusan uga badan inta uu hadda yahay.