DAAWO+XOG CULUS: Falaqeyn Xasaasi ah Khilaafka Kenya & Somalia Halista Ka Dhalan Karta

0

Xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhaxeysa dalalka Kenya iyo Soomaaliya ayaa cirka isku shareertay, kadib markii dowladda Kenya ay Soomaaliya ku eedeesay in London ay ku “xaraashtay” ceelal shidaal oo ku yaala xuduuda lagu muransanyahay.

Dowladda Soomaaliya ay dhawaan magaalada London ee dalka Ingiriiska kusoo bandhigtay maclumaad la xiriira “sahmin shidaal” oo ay sheegtay in laga sameeyay dhanka badda, waxaana maclumaadkaasi soo bandhigtay shirkadda Spectrum ee laga leeyahay dalka Mareykanka.

Kenya ayaa sheegtay in Soomaaliya ay kusoo xad-gudubtay, sidoo kalena ay damaanad qaad u qaadatay taageerada ay siiso waxana barnaamijka dabagalka Universal dood adag ku dhexmartay falanqeyaal xaga siyaasada diblumaasiyaded aad u yaqaan.