Somali News

Sawiro:- Suuqa Gaalkacyo Oo Maanta Dib Loo Furay

Suuqa ugu weyn Magaalada Gaalkacyo oo maalmihii lasoo dhaafay xirnaa ayaa Maanta maamulka gobolka Mudug, waxa ay ku guulesteen ay dib u furaan.

Suuqa ayaa u xirmay dagaal dhexmaray Maleeshiyo beeleed kasoo kala jeedda maamulada Puntland iyo Galmudug oo isku heystay Bakhaar ku yaalla Bartamaha Suuqa.

Masuuliyiinta degmada iyo gobolka ayaa qaaday dhufeysyo ay kala sameysteen ciidamadii dhawaan ku dagaalamay suuqa bartamaha ee Magalada Gaalkacyo .

Gudoomiyeyaasha Gobolka mudug ee Galmudug iyo Puntland Cabdirashiid Xasshi cartan iyo Xasan maxamed Khaliif ayaa sheegay in uu furan yahay suuqa islamarkana la kala qaaday ciidamadii isku horfdhiyay suuqa Galkacyo iyagoona ugu dambeynti ka codsay shacabka reer Gaalkacyo in ay ka shaqeyaan nabadda iyo xasiloonida.

http://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2017/11/

Related posts

Prof Yahye Aamir oo Banaanka keenay 7 Koox oo aan shabaab aheyn oo Muqdisho dadka ku disha

admin

TOP NEWS: Khubaro Talyaani ah oo Soomaaliya u Imaan Doono in ay Kormeer ku Sameeyan in Dalka Soomaliya laga Dhisi Karo Dakadda iyo Garoonka ugu Weyn Afrika

admin

DEG DEG: Dagaal ka qarxay qeybo kamid ah magaalada muqdisho iyo ciidamada xasilinta caasimadda oo ku guuldareystay in ay hubka ka dhigaan….

Tifaftiraha K24