Animation

Deg-deg:Arimo halis badan oo shacabka Ogeyn oo haatan kusoo biiray Dacwada Maxkamada Hegue…

no responses
Monday September 19, 2016 - 12:24 under English News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Waxa meel xasaasi ah weli mareyso dhageysiga dacwada kasocota maxkamada danbiyada caalamiga ee Hegue kaasi oo lagu dhageysanaayo dalka kenya waxaana si toos ah u hadlaayo abuukatayaasha kenya u difaaceyso badaas waxayan dhamaantooda sheegeen in Soomaliya ay Heshiis kula galeen in Badda ay Iyagu qaataan.

Mid kamid ah Abuukatayaasha difacaayo badaas oo u dhashay dalka ingiriiska ayaa sheegay in soomaaliya heshiis sharci ah kula saxiixatay kenya suurta galna aysan ahayn in dib loo soo celiyo Heshiiskaasi waxaana Abuukataha uu sheegay in ay wada ogayeen guud ahaan xukumadii xiligaas jirtay iyo madaxweyne Sheekh shariif sheekh Axmed.

Qareenkaas ayaa ku doodaya in Soomaaliya ay ogoleyd in badaas ku wareejiso kenya ayadoo cid gaar ah aysan ku dhex jirin waxaana uu sheegay in soomaaliya Mar Marsiiyo aysan u aheyn in Waqtigii heshiiska uu dhacay wadanka ay ka jirtay Dowlad KMG ah oo aan gali karin Heshiis waaweyn

Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka kenya ayaa sheegay in soomaaliya aysan laheyn laba Af Maadama ay horay u Saxiixday Heshiiska Badda waxaana Maxkamada uu kasheegay  hadii Soomaaliya badaan loo xugmiyo maxaa kenya bad u noqon doona.

Dhageysig Dacwaddan oo socon doonto muddo afar maalmood ah, waxay Maxkamaddu maaanta dhageysatay dooda ay Dawladda Kenya ka qabto dacwadda.

Maalinta Berito ayey Maxkamddu dhageysan doonto waxay ay Soomaaliya ka qabto iyo cadeymaha ay horgeynayso Maxkamadda Hague ee la xiriirta arrimaha muranka Badda Soomaaliya.

Facebook Comments