Somali News

Daawo: Yaa dhaawacay wariye mutwakil maxaase loo dhaawacay waa sidee xaaladdiisa caafimaad?

Xaaladda caafimaad ee wariye Mahad Maxamed C/raxmaan (Mutawakil) ayaa la sheegay in ay soo hagaageyso kadib markii uu saakay ku dhaawacmay is-rasaaseyn dhexmartay ciidamo ka wada tirsan dowladda soomalia.

Rasaasta ayaa waxa ay wariyaha ka haleeshay gacanta iyo kilida iyadoona markii laga dhayay dhaawaca loo ogolaaday in uu gurigiisa aadi karo maadama aysan jirin qatar kale oo dhaawaciisa sababi karta.

Wariyaha wuxuu ku dhaawacmay goob ay maamulka dagmada hodan ka wadeen bur burin oo sharci daro aheyd xiliga uu dhaawacmaayayna wuxuu wareysi la yeelanayay guddoomiyaha dagmada hodan sida la sheegay ciidamo dareeska milatariga ku labisan ayaa soo weerartay goobta rasaasna ooda uga qaaday guddoomiyaha iyo ciidankii uu watay ee goobta bur burinta ka waday.

Masuuliyiin ka tirsan NUSOJ iyo saxafiyiinta ka howlgala magaalada muqdisho ayaana kusoo booqday gurigiisa wariye mutawakil oo la jiifa dhaawaca kasoo gaadhay rasaasta.

Halkaan hoose ka daawo sawirrada

Related posts

Kenya oo edeysa Dowlada Somalia…

admin

Dhagayso:- Maamulka Galmudug oo sheegay oo inay heshiis gaareen Beelihii ku dagaallamayay Balli sokor

Ahmed sudani

Daawo Sawirro: Magaalada Xalab ee Dalka Suuriya oo Lagu garaacay Hub Dunida ay ka qeylisay iyo Caruur Dhamaatay

Tifaftiraha K24