Animation

Daawo: Xubnaha Aqalka Sare ee Jubbaland oo Kulankooda ugu Horeeya ku Yeeshay Magaalada Kismaayo Maxayse ka wada Hadleen????

no responses
Friday October 21, 2016 - 1:05 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Magaalada Kismaayo waxaa Markii Ugu Horeysay Kulan ku yeeshay Xubnaha Aqalka sare ee Jubbalnd u matali doona Baarlamaanka Soomaliya kuwaasi oo Maalin ka hor lagu doortay Magaalada Kismaayo.

Kulankaan ay yeeshen Xubnaha Aqalka Sare ee Jubbaland ayaa waxa uu ahaa Kulan Isbarasho ah oo Xubnaha 8 ah ay isku Baranayaan.

Aqalka Sare oo ka kooban 54 Xubnood Jubbaland waxa ay ku leedahaay 8 Xubin iyadoona Xubnahaasi Dhawaan Doorasho ay ku galeen Magaalada Kismaayo kusoo baxay sidaasina ku noqday Xubnaha Aqalka Sare ee Jubbaland.

Madaxweynaha jubbaland ayaa u Hambalyeeyay Xubnaha Aqalka sare ee Jubbaldn Wuxuuna Madaxweynaha si Gaar ah ugu Hambalyeeyay Xubinta Dumarka ah ee Aqalka sare Jubbaland ka mid Noqotay.

Halkaan Hoose ka Daawo Sawirrada Kulanka

12-1 12-2 12-3 12-4 12-5 12-6 12-7