Animation

Daawo: Xog Cusub oo laga helay Barta Facebooka uu isticmaali jiray C/risaaq Cartan oo Weerar ku qaaday Jaamacada Ohio ee Dalka Mareykanka

no responses
Tuesday November 29, 2016 - 2:55 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Booliska iyo Hey’adaha dambi baarista Maraykanka ayaa wali baaritaan ku haya hooygii uu Magaalada Columbus Ohio ka deganaa Abdirizak Ali Artan oo ah 20 jir Soomaali ah, islamarkaana weerar mindi loo adeegsaday ka geystay Jaamacada Ohio State University.

Boliisku ayaa waxay ka kaxaysteen dhammaan Qoyskii Abdirizak oo ka koobnaa Hooyo iyo 6 Caruur ah oo dhamaantood su’aalo laga weydiinayay qofka Cabdirizaq ahaa, waloow in ka badan 10 saac la haystay hadana waa la fasaxay ugu dambeyntii.

Cabdirizak waxa uu ka yimid, waxna ku soo bartay Dalka Pakistan, waxa uu sida la sheegay ahaa qof aad u jecel waxbarashada, waxa uuna kaalimaha koowaad ka gali jiray Imtixaanaadka, isaga oo ahaa shaqsi dhanka cibaadada ku wanaagsanaa sida ay noo xaqiijiyeen dad ay is yaqaaneen.

Sababta uu weerarka u qaaday ardayga ayaan la ogayn, laakiin argagixiso inay sabab u tahay ayaa suurtogal ah, sida ay sheegtay madaxa boliiska, Kim Jacobs.

Laakiin Cartan, boliiska horay uma aqoon, sida uu qof aan magaciisa sheegin u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press.

Warfaafinta Maraykanka ayaa sheegtay in Cartan ay u eg tahay inuu ku qoray fariin Facebook intuusan weerarka qaadin.

Boliis baaritaanka samaynaya ayaa u sheegay telefishinka NBC in fariin lagu qoray Faceebook oo la aaminsan yahay inuu leeyahay Cartan ay sheegayso ” Ma aqbali karo mar kale”.

Fariinta ayaa sheegaysa: “Ameerika! Jooji faragalinta aad ku hayso waddamada kale, gaar ahaan ummada Muslimiinta, ma nihin dad jilicsan.”

Laakiin fariin la qoray laba saac horteed ayaa sheegaysa : “Cafi iskana illow . Jaceyl.”

Bartaas cinwaankaasi Facebook-ga ayaa laxiray, sida ay sheegtay AFP.

Markii la waydiiyay in weerarka uu ahaa fal argagixiso, madaxa boliiska Jacobs ayaa sheegtay : ” Waa inaan tixgalinaa.”

FBI-da ayaa samaynaysa baaritaanka jaamacadaoo ay dhigtaan 60,000 oo arday.

Cartan, oo ahaa qaxooti Soomaali ayaa deganaa Maraykanka isagoo helay sharciga Maraykanka. Wuxuu ka baranayay logistics management, kuliyada ganacsiga, sida ay ku waranatay Columbus Dispatch.

Bilihii ugu danbeeyay, masuuliyiinta federaalka ayaa ka digay khatarta weerarada mintidiinta ay ku adeegsan karaan mindi iyo baabuur si ay dad u weeraraan

Kooxda la magac baxday dowladda Islaamiga ee IS, ayaa ku guubaabisay dadka taageersan inay isticmaalaan wax walba oo ay weerar ku qaadi karaan.

Waxay kaloo ugu baaqday in dadka ay isticmaalaan baabuur, si ay u weeraraan xuska maalinta Thanksgiving Day, ee la isugu soo baxay magaalada New York maalmihii la soo dhaafay.

_92708352_ee5b336e-d23b-4314-8bd1-1cb5a44f1c86

_92699488_hi036624587 _92702339_tv036625407 _92703131_tv036625557 _92704201_officer _92704204_cyxfa_ixeaarowo cartan7 ohio-1-640x359