Animation

Daawo: Xilka wasiiru dowladaha wasaaradda amniga oo maanta loo dhaariyay Cadirashiid Cali Geelle

no responses
Saturday June 17, 2017 - 1:24 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Waxaa maanta oo ay taarikhdu tahay 17 June 2017 loo dhaariyey xilka Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Puntland Cadirashiid Cali Geelle oo dhowaan uu Madaxweynaha Puntland u magcaabay xilkaasi.

Munaasimada Dhaarinta Wasiiru Dawlaha oo ka dhacday qasriga Madaxtooyada Garoowe ayaa waxaa goob joog ka ahaa Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, xibin ka tirsan Maxkamadda Sare ee Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Garoowe.

Dhaarinta Wasiiru Dowlaha kadib ayaa waxaa Madaxwynaha Puntland uu Xasuusiyey Wasiiru Dawlaha in xilkaasi loogu gartay aqoon tiisa iyo khibaradiisa waaya aragnimo, loona baahan yahay in uu si daacad ah uu ugu adeego dalkiisa iyo dadkiiisa.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ku booriyey inuu fiira gaara u lahaado kala socodsiinta arrimaha shaqo ee xafiiskiisa, kaasi oo dalka wax badan katari kara marka la dardar geliyo.

Ugu Danbayn, madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kula dardaarmay Wasiiru Dowlaha Wasaadda Amniga Puntland in uu had iyo jeer maankiisa ku hayo in Puntland heegan ku tahay ka sifaynta dhulkeeda cadawga nabad diid ka ah ee ku dhuumaalaysanaya dhulkeeda, isla markaana uu xafiis kiisu markasta heegan ugu jiro arrimaha iska caabinta cadawga tamarta yar ee majara habaabsan.

–DHAMMAAD—

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA  PUNTLAND.