Daawo: Wasiirada Xukuumadda oo kasoo muuqday Dhoolatus ay sameeyeen Xildhibaanada Mooshinka Wada

0

Qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka federalka Soomaaliya oo taageersan mooshinka laga geeyay Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari ayaa goordhow ku sameeyay bandhig magaalada Muqdisho.

Xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda islamarkaana baarlamaanka kamid ah ayaa maanta bandhig siyaasaddeed ku qabtay magaalada muqdisho kaasi oo ay ku muujinayaan awooddooda ka dhanka ah jawaari iyo mooshinka heerka uu gaarsiisanyahay.

Wasiirka maaliyadda, wasiirka amniga iyo wasiiro kale ayaa bandhigga kasoo muuqday waxaana bandhiggan looga gol leeyahay in cadaadis xooggan lagu saaro Guddoomiye Jawaari si uu Istiqaalada u wareejiyo inta aan la gaarin cod u qaadista mooshinka.

Qudbado ay ka soo jeediyeen qaar ka mid ah xildhibaanada hotel SYL oo ay bandhigan ku sameeyeen ayay ku sheegeen in la gaaray xilligii uu xilka ka degi lahaa guddoomiye jawaari.

Xildhibaano miisaan culus ku dhex leh baarlamaanka ayaa ka soo muuqday bandhiggii maanta waxaana bandhigaan uu shacabka soo xusuusinaya hebeen kahor waqtigii doorashada Madaxweynaha Soomaaliya sanadkii hore ee ay xildhibaano badan ku muujiyeen isla hotelka SYL taageerada ay u hayeen madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud balse markii ay dhacday doorashada madaxtinimada aysan u codeyn Xasan shiikh oo ay codkoosa siiyeen Farmaajo.