Somali News

Daawo: Xildhibaanada kasoo jeeda Beesha Maxamuud Hiraab ee dhawaan lagu soo doortay Cadaado oo Xaflad soo dhaweyn ah loogu Sameeyay Muqdisho

Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka waxaa Maanta lagu qabtay Xaflad balaaran oo lagu soo dhaweynaayo Xildhibaano lagu soo doortay Magaalada Cadaado oo ku Abtirsada Beesha Maxamuud  Hiraab ( Duduble).

Xildhibaanada oo ka tirsan Labada Aqal ayaa Maanta soo dhaweyn Balaaran loogu Sameeyay Magaalada Muqdisho iyadoona Xafladaan ay soo Qaban qaabiyeen Dhalinyarada Beesha Maxamuud Hiraab.

Ugu horeyn waxaa munaasabada Furay oo ka hadlay Mid kamid ah dhalinyaradii soo qaban qaabisay Xafladaan oo lagu Magacaabo Cabaduqaadir Shiilkh Maxamed Cade waxaana uu sheegay in Ujeedka ay Munaasabadan usoo agaasimeen in ay tahay sidii taageero balaaran loogu muujin Lahaa Xildhibaanada Labada Aqal ee Galmudug uga mid noqonaya Baarlamaanka soomaliya kuwaasi oo ku Abtirsada Beesha Maxamuud Hiraab ( Duduble).

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay Wakiilka Ugaaska  Saciid ugaas Maxamed Carab  iyo Nabadoonka Guud ee Beesha Macalin Maxamuud   Cali  Gaban iyagoona dardaaran u jeediyay Xildhibaanada ay soo Wakiisheen Ergada Beesha in ay si diiran uga soo baxaan Masuuliyada loo igmaday in Dadkooda ay ugu shaqeeyaan.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Dastuurka Dowladda Federaalka  Xasan Jaamac Dheere ayaa sidoo kale kamid ahaa Xubnihii ka hadlay Xaflada soo dhaweynta ee loo sameeyay Xildhibaanada Labada Aqal ee Beesha Maxamuud Hiraab waxaana wasiirku sheegay in Xildhibaanada Cusub looga fadhiyo in Dadkooda ugu adeegsaan si Daacadnimo ah ayna xusuustaan Dadka ay Xilkaan wakiilka uga yihiin.

Xildhibaanad Ikraan Aadan Absuge oo kamid ah Xildhibaanada lagu soo doortay Cadaado kana soo jeeda Beesha maxamuud Hiraab ayaa Munaasabada ka jeedisay Hadal aad u qiimo Badan oo soo jiitay Dhamaan ka qeyb galayaasha Munaasabada iyadoona shaacisay in Xilkaan loo Igmaday ay si wanagsan uga soo bixi doonto Hadii alle uu Idmo waxaana ay Codsatay in Lagu garab siiyo Howshaan culus ee loo dhiibay.

Xildhibaanad Ikraam Aadan Absuge waa gabar aad dhalinyaro u ah aqoona leh waxaana ay kamid tahay Xildhibaanada Dhalinyarada ah ee Dowlada Cusub ay ku shaqeyn doonto waana guul usoo hoyatay dhamaan dhalinyarada Soomaliyeed Maadama ay kaalin weyn ay ka soo galeen Siyaasada Dalka .

Halkaan Hoose ka Daawo Sawirrada Munaasabada soo dhaweynta ah

1 2 3 4 7 11 15 17

Related posts

Howlgalka dib u xoreynta Baardheere iyo deeganada hoose yimada oo bilabanaya Taarikh…

admin

Daawo: Qaabkii Magaalada Baydhabo loogu soo dhaweeyay Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur

admin

Daawo: Qaabkii Madaxweyne Farmaajo loogu soo dhaweeyay Magaalo xeebeedka Hobyo

admin