Somali News

DAAWO:- Xildhibaan Xidig iyo Seeraar oo digniin Adag loo diray

Maamulka Jubbaland ayaa digniin adag u diray Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig iyo Siyaasiga Cabdinaasir Seeraar oo labaduba sheegtay in ay yihiin Madaxweynaha maamulka Jubbaland.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dowlad goboleedka Jubbaland Cabdi Xuseen Maxamed oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in C/rashiid Xidig iyo C/naasir Seeraar ay khalalaaso iyo amaan daro ka wadaan magaalada Kismaayo.

Waxa uu sheegay in maamulka Jubbaland u dulqaadanayeen labadan siyaasi mudo lix bilood ah, waxa uuna tilmaamay Wasiirka Warfaafinta Jubbaland in markan uu ka dhamaaday dulqaadka ayna uga digayaan in mar kale khalalaase sameeyaan.

Wasiirka ayaa carabka ku dhuftay in labadan siyaasi ee ku sugan magaalada Kismaayo u adeegayaan dowlada federaalka Soomaaliya oo hada khilaaf kala dhaxeeyo dowlad goboleedka Jubbaland.

Warkan kasoo kasoo baxay maamulka Jubbaland ayaa kusoo aadaya xili shalay magaalada Kismaayo dagaal kooban ku dhax maray ciidamada maamulka Jubbaland iyo ciidamo kale oo taabacsan siyaasiga C/Naasir Seeraar.

Related posts

Puntland oo dib ula wareegtay Deegaan hore ay Shabaab dagaal uga qabsatay Ciidanka Puntland.

admin

DEG DEG Madaxweynaha Maamulka Jubba oo Doolow Garay iyo Wadahadal Magaaladasi ka furmaya

admin

Dhageyso+Sawirro: Hubkii ugu Badnaay oo lagu Wareejiyay Maamulka Alshabaab ee Galgaduud+Qabiil weyn oo la yaqaan oo Hubka ku wareejisay Alshabaab

Tifaftiraha K24