DAAWO: Xildhibaan Ahmed Madoobe Iyo Xulafadiisa Dhulka La Jaray AKHRI.

no responses
Monday February 12, 2018 - 9:28 under Breaking News by admin
mqdefault
Spread the love

Xildhibaan Hore Cabdulqaadir Maxamed Aadan “Sandheere”  Ayaa Waxaa Uu Si Qoto Dheer Uga Hadalay Xaalada Jubaland Ay Ku sugan tahay Xiliga la Joogo Sandheere ayaa waxaa uu sheegay in Maamulka Hada ka jira Jubaland ay ka Gaabiyeen Waajibaadkii loo Idmaday Loona Baahan yahay in Jubaland la Badbaadiyo.

Xildhibaan Sandheere oo ka Hadlayay Arrimaha Is qabqabsiga Dhulalka ee ka jira Magaalada Kismaayo Ayaa sheegay in beesha uu ka soo jeedo ay wax badan ka tabanayaa geedi socodka maamulka jubaland Hadana maamulku uu bilaabay in uu dhulkii kismaayo ku bixiyo sifo aan sharciga waafaqsanayn.

Maamulka jubaland ayaa waxaa meel duleedka ka magaalada xarunta u ah ee kismaayo ka dhagax Dhigay deegaameeysi cusub dhulalkaas ayaa waxaana lahaa shacab reer jubaland ah hadana si aan xoog Ah looga dhisanayo dhulalkoodii.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale waxaa uu ka hadlay Arrintii Qaramada midoobay ku eedaysay maamulka Jubaland iyo ciidamada kenya ee jooga magaalada kismaayo oo ahayd in dekada weyn ee magaalada Laga dhoofiyo dhuxusha oo gabi ahaanaba laga mabnuucay dhoofinteeda dalka si loo ilaaliyo deegaanka Iyo nabaad guurka dhirta illahay dalka ku manaystay.

Mar aanu waydiinay Mustaqbalka Jubaland maadaama uu xildhibaan ahaa xiligii lagu heshiinayay maamulka jubbaland uuna joogay xiligii dagaalada ka dhacayeen magaalada kismaayo, xiligii adis Sababa Lagu Heshiisiinayay beelaha daga jubaland Xiligii la dooranayay ahmed madoobe iyo xiligii la Caleema Saarayay Hogaamiyaha Mamulka Ahmed Madoobe.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Facebook Comments