Animation

DAAWO: Xil. Maxamed A Yusuf “Wiilal aan adeer u ahay ayaa i badbaadiyey ee ciidan Qaran ima badbaadin”

no responses
Tuesday December 1, 2015 - 1:06 under Somali News by admin
mqdefault
Spread the love

Xildhibaan Maxamed Abdi Yusuf oo marti ku ahaa barnaamij doodeed ay si wada-jir ah u qabteen Universal TV iyo VOS oo ka dhacay magaalada The Hague  ee dalka Holland ayaa waxaa uu halkaasi ka sheegay ciidanka badbaadiyey iyo waxa uu u yaqaan isaga.

Wariye Abdiweli Garyare oo barnaamijka ka ahaa soo saare iyo waliba daadihiye ayaa waxaa uu weydiiyey Xildhibaanka wax iska baddelay fikirkiisii hore ee ahaa inuu ciidanka dowlada ka aaminsan yahay kuwa qabiil, gaar ahaan kuwa isaga kasoo badbaadiyey hotel Saxafi xilligii ay weerareen kooxda Al-Shabaab.

“Ciidan beeleed weeye waxa jooga gobollada Soomaaliya oo dhan, kuwa Muqdisho iyagaaba usii kala baxbaxa juffooyin, oo juffo kasta waxay leedahay Generaal u gaar ah. Marka ciidan qaran uma aqaan aniga ee waxaan dhahayaa waa wiilal Soomaaliyeed oo aan adeer u ahay kuwa i badbaadiyey” Ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Abdi Yusuf.

Durba waxaa soo baxay guux iyo sawaxan ku aadan jawaabtaasi ku aadan in ciidanka soo badbaadiyey uu u aqoonsan yahay kuwa qabiil oo uusan u aqoon kuwa Qaran. Taasi oo dood xooggan ka dhexdhalisay baraha bulshada kuwada xiriirto ee internetka.

Dhinaca kale, mar la weydiiyey xilliga uu siyaasada isaga baxayo, maadaama uu muddo kusoo jiray ayuu waxaa uu ka war wareegay inuu jawaab toos ah ka bixiyo arrintaasi.

Wareysigan oo hordhac ahaan loo sii daayey ayaa waxaa uu ahaa mid kulul oo dadweyne ka qeybgalayaan:

Halkan ka daawo hordhiciisa, iyaddoo aad ka daawan doontaan Universal TV iyo VOS.: 

Facebook Comments