Animation

Daawo Xerada Tababarka Ciidamada Ee Doolow oo lagu xareeyay Ciidan badan iyo Wasiirka Amniga oo…

no responses
Friday September 9, 2016 - 4:39 under Breaking News by admin
mqdefault

Xerada Tababarka Ciidamada Darwiishta Jubnaland ee Dagmada Doolow ayaa waxaa manta lagu xareeyay 400 Askari oo laga kala keenay 3 Dagmo oo ka tirsan Gobolka Gedo.

Ciidamada ayaa waxay tababar  kooban oo iskugu jira  qaabka togaashada adaabta  Askariga iyo Xuquuqul Insaanka  ku qadanayaan Xeradan.

Tababarkan oo soconaya mudo usbuuc ah ayaa waxaa bixinaya Saraakil ka socota Amisom .

Ciidamada marka ay dhamaystaan tababarka ay hada ku jiraan ayaa waxaa lo qaybin doona dares isku mid ah iyo waliba qalab Ciidan.

Sida uu sheegay Wasiirka Amniga ka dib  marki dufcadaani ay usbuc gudahood ku dhamayatan tababarkan waxaa isla xerada lagu so xarayn doona Ciidamo kale oo ayaguna  sido kale qadan doona. Tababar soconaya Mudo usbuuc ah.

Intaas ka dib Xeraada waxa lagu so xarayn doona ciidamo cusub oo ayagana qadan doona Tababar dhamaystiran oo socon doona mudo  3 bilood ah.