DAAWO: Xassan Sheekh oo is barbardhig ku sameeyey Taageerayaasha Nabad iyo Nolol  iyo Guulwadayaashii Kacaankii Siyaad Barre.

0

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa is barbar-dhig ku sameeyey taageerayaasha hadda ee Madaxda dawladda Faderaalka iyo Guulwadayaashii Kacaankii Jaalle Siyaad Barre, wuxuuna sheegay in ay tahay wax halis badan waxyaabaha qaarkood ee hadda soo baxayaa.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa lacago fara badan ku bixisa sidii ay baraha bulshada ugu yeelan lahayd taageerayaal ka difaaca mucaaradka, isla markaasna si xun u aflagaadeeya cid kasta oo kasoo horjeeda siyaasadooda.

 Xassan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in ficiladaas laga dhaxli doono wax aan wanaagsaneyn iyo aragtida siyaasadeed oo dambiba laga dhigo, wuxuuna sheegay in Soomaaliya cay iyo aflagaado aan cidna waxba looga tari karin, loona baahan yahay in nidaamka dawladnimada dhexdiisa lagu ilaaliyo siyaasadda iyo kala aragti duwanaanshaha.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA: