Animation

Daawo: Xasan Shiikh oo Xalay soo Bandhigay Taageerada uu ka heysto Xildhibaano gaaraya 190 Xildhibaan kadib Markii uu…..

no responses
Monday January 30, 2017 - 7:43 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Xildhibaano gaaraya 190 Xildhibaan ayaa waxa ay xalay Magaalada Muqdisho taageero balaaran ugu muujiyeen Musharax Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud kadib kulan ka dhacay Hotelka SYL ee Magaalada Muqdisho.

Kulankaan oo ahaa mid lagu taageeraayay musharaxa ayaa waxaa ka qeyb galay 190 Xildhibaan oo labada Aqal ah ee Baarlamaanka Federaalka Soomaliya.

Casho sharaf ayuu ahaay Kulankaan waxaana xildhibaanada ay ku Casuumeen Madaxweynaha hada waqtigiisa dhamaaday ee markale doonaya in xilkaan uu kusoo laabto mudane Xasan shiikh Maxamuud.

Xildhibaano ka tirsan Labada Aqal ayaa kulanka waxa ay ka jeediyeen hadalo ay taageero ugu muujinayan Musharax Xasan Shiikh.

Xildhibaanada goobta ka hadlay waxaa kamid ahaay Xildhibaan C/rashiid xidig xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa Senator Muuse suudi yalaow Senator C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo Xildhibaan Aadan Madoobe iyo xubno kaloo aad u badan ayaa goobta ka hadlay.

Xildhibaan C/rashiid Xidig waxa uu sheegay in 190-ka xildhibaan ee kulanka ka soo qeyb galay ay dhamaan wada taageersanyihiin Xasan Shiikh taasina ay la macno tahay in doorashada dhici doonta in uu guuleeysan doono Madaxweyne Xasan maadama uu heysto Xildhibaano badan oo Codkooda siin kara.

Senator Muuse Suudi Yalaxow ayaa goobta ka jeediyay hadalo kaftan ah oo ka qosliyay xildhibaanadii kulanka ka qeyb galaayay iyo madaxweynaha intaba wuxuuna xusay in uu taageersanyahay Xasan shiikh uuna Codkiisa siin doono marka la gaaro doorashada.

Senator C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo ka mid ah Senatarada laga soo doortay Jubbaland ayaa dhankiisa muujiyay sida ay u taageersanyihiin in Markale dalkaan uu hogaamiyo Xasan Shiikh .

Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed iyo Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen.

Ugu Dambeyn Musharax Xasan Shiikh oo Kulanka Casho sharafta ah ka hadlay ayaa u mahad celiyay dhamaan xildhibaanada 190-ka ah ee taageerada u muujiyay isagoona balan qaaday in uu ku shaqeyn doono Rabitaanka shacabka uuna kasoo bixi doono hadii xilkaan loo igmado waajibaadka saaran .

Madaxweynaha wuxuu sheegay hadii xilkaan markale loo doorto in dalka uu gaarsiin doono hormar balaaran uuna ilaalin doono qeyraadka dalkaan uu ilaahey ku maneystay si buu yiri ay uga faa’iideystaan Jiilka soo baxaya.

Halkaan Hoose ka Daawo Muuqaalka iyo Sawirada Kulanka