DAAWO: Xasan Sheekh “Al-Shabaab marna lagalama hadli doono hal arrin” & arima kalaba

0

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si kulul uga hadlay weerarkii qaraxa ku bilaawday ee xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho, isgaa oo sheegay in Shabaab aan wada-hadal lagala geli doonin dhigga shacabka Soomaaliyeed.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in weerarkaasi ay aad uga xun yihiin, isla markaana ay ka tacsiyadeynayaan dadkii ku dhintay, waxaana uu sheegay in ay xanuunka la qeyb sanayaan.

Isaga oo sii hadlayay ayuu sheegay in Al-Shabaab maalin walba ay daadiyaan dhiiga Shacabka Soomaaliyeed, balse taasi aan lagala galeyn wadahadal, hayeeshee uu sheegay in dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ay diyaar u yihiin wadahadal.

Dhalinyarada weli ka barbar dagaalamaya Al-Shabaab ayuu ugu baaqay inay kasoo baxaan, isla markaana ay dowladda Federaalka Soomaaliya ksoo biiraan.

Weli Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ugu sareysa kama hadlin weerarkaas oo weli la soo sheegayo inay rasaas ka dhaceyso Wadada Maka-Almukarama.