Animation

Daawo: Xaflad loogu Hambalyeynaayay Dalacsiinta S/Guud Bashiir Goobe oo ka dhacday Magaalada….

no responses
Saturday October 15, 2016 - 10:03 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Xaflad Casho ah oo ay kasoo qeyb galeyn Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya C/llahi Jaamac Ilka-jiir, Wasiirka Amniga Qaranka C/risaaq Cumar Maxamed,Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka  Axmed Cali Daahir Saraakiisha iyo  Taliyeyaasha Ciidammada Qalabka sida, ayaa waxa ay ugu hambalyeynayeen Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobbe),oo Dhawaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedraalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud uu hal darajo dalacsiiyey waxaana uu ahaa intaan la dalacsiin  ka hor S/Gaas.

Xafladda ayaa Martidii kasoo qeyb gashay waxaa mada-daalinayey HoboLlada Fanaaniinta Kooxda Onkod ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Waxaana Gunaanadka ka hadlay Wasiirada iyo Taliyeyaasha Ciidammada ee kasoo qeyb galay, iyagoo si wada-jir ah ugu hambalyeeyey Taliyaha Ciidanka Asluubta S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Goobbe) waxeyna Xuseen in uu mudan yahay Darajada sare ee la siiyey uuna yahay Jeneraal  Howlkar ah oo Taariikhda Dalka ay xusi doonto.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac ,ayaa Xafladaasi soo xiray isagoo uga mahadceliyey Madaxda kasoo qeyb gashay sida ay u baraarujiyeen waxaana uu tilmaamay in waajib ay tahay in laga wada shaqeeyo danta Guud ee Dalka.

“Runtii waan u mahad celinayaa Martida madaxda ah ee halkaan fadhisa iyo dadkii soo qaban qaabiyey Xafladan la iigu hambalyeynayo haddii aan kaftamo markii la siinayey Darajada S/Gaas waan uga horeeyey Taliyeyaasha Ciidammada ee saaxiibadeey ah waan kusoo dhaweeyey markii iyagana la siiyey Darejadaas hadda sidaas oo kale waan kusoo dhaweynayaa Darajada S/guud  waana ay mudan yihiin” Ayuu yiri S/guud Bashiir Goobe

Halkaan Hoose ka Daawo Sawirrada

dscn0197 dscn0210 dscn0213 dscn0215 dscn0229 dscn0232 dscn0237 dscn0244 dscn0246 dscn0252 dscn0255 dscn0284