Animation

Daawo: Wufuud kusii qul quleysa magaalada boosaaso iyo meydka General cadde muuse oo goordhaw garoonka laga soo dajiyay

no responses
Tuesday February 14, 2017 - 9:35 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Meydka madaxweynihii hore ee maamulka puntland general cadde muuse xersi ayaa laga soo dajiyay garoonka diyaaradaha magaalada boosaaso ee gobolka bari.

Ammaanka magaalada boosaaso aad ayaa loo adkeeyay waxaana la xiray dhamaan wadooyinka soo gala garoonka diyaaradaha magaalada boosaaso.

Madaxweynaha puntland iyo ku xigeenkiisa iyo masuuliyiin puntland ka tirsan ayaa ka qeyb galaya aaska loo sameyn doono madaxweynihii hore ee puntland general cadde muuse xersi.

Madaxweynaha waxaa lagu aasi doona qubuuro ku yaala magaalada boosaaso

Wufuud kala duwan oo ka socda dowlada federaalka iyo maamul goboleed-yada dalka ayaa la filaya in ay soo gaaraan magaalada boosaaso oo maanta aas qaran loogu sameyn doono marxuum cadde muuse xersi.

Wafdiga dowlada federaalka ka socda ee la filaayo in aaska ay ka qeyb galaan waxaa kamid ah ra’isul wasaaraha xukuumada soomaliya cumar c/rashiid waxaana jira warar sheegaya in madaxweyne farmaajo uu isna ka soo qeyb gali aaska loo sameynaayo marxuumka.

Halkaan ka daawo sawirrada