Animation

Daawo: Weerarkii pizza house oo saakay lagu guuleystay in lasoo gaba gabeeyo iyo qasaaraha oo….

no responses
Thursday June 15, 2017 - 9:42 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Ciidamada gaashaan ayaa ku guuleystay in ay so afjaraan weerarkii alshabaab xalay ku qaadeen maqaayadaha posh iyo pizza house ee dagmada hodan.

Weerarka oo ilaa iyo saakay aroortii soo gaaray ayey ciidamada gaashaan ku guulesteen in dhamaan ay laayaan ragii maqaayadaha gudaha u galay.

Dableyda hubeysan iyo ciidamada ammaanka ayaa muddo saacado ah ku dagaalamayay gudaha maqaayadda, isla markaana howl galka inuu dheeraado sababay maqaayadda oo aheyd mid mugdi ah, kooxdii gudaha u gashayna ay ku dhuumaaleysanayeen.

Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ayaa sheegay in la toogtay dhamaan raggii gudaha u galay, isla markaana xaalada ay iminka gacanta ku hayaan ciidamada ammaanka.

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Inta la xaqiijiyay weerarkii xalay waxaa ku naf waayay 18 ruux halka dhaawaca uu intaasi ka badanyahay.

Maqaayadda Pizza House ayaa waxaa saaka laga soo saaray meydadka lix gabdhood oo labo ka mid ah ay isla dhasheen, kuwaasoo xalay lagu dilay gudaha Maqaayadda.

Alshabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkii xalay lagu qaaday maqaayada pizza house.

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.