Animation

Daawo: Weerar iyo Qaraxyo Culus oo Xalay lagu qaaday Magaalada Mandheere iyo Alshabaab oo sheegtay

no responses
Thursday October 6, 2016 - 12:04 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Ugu yaraan Lix Qof ayaa ku geeriyootay,markii ay Xalay saqdii dhexe weerar ku qaadeen kooxo lala xiriirinayo Al-Shabaab, qaar ka mida Dadka Dhagax qoda oo ku sugnaa Xaafadda Bulla ee Magaalada Mandheera.

Guddoomiyaha Gobolka Mandheera ee Dalka Kenya, Ali Roba, ayaa warbaahinta u sheegay in Dadka la weeraray oo ka koobnaa 33 Qof ay 27 ka mid ihi soo badbaadiyeen, kuwaasoo dhammaantood ahaa Dad aan kasoo jeedin Mandheera.

Frederick Shisia, oo ah Sarkaal ka tirsan golaha degaanka Mandheera, ayaa sheegay inay kooxdu isku dayday iney jaraan isgaarsiinta Magaalada,iyagoo sameeyay qaraxyo ay ku qalqal gelinayaan laamaha ammaanka iyo Bulshada.

Saraakiisha Boliiska ee Gobolka Mandheera ayaa sheegtay inay ku raac joogaan Dableydii weerarka soo qaadday, haatanna ay wadaan baaritaanno arrintaasi ku aaddan.

kill-1 kill2 kill3