Animation

Daawo: Waxgaradka beesha hawiye oo kulan deg deg ah uu kaga socdo hotelka city place maxaa diirada lagu saaraya?

no responses
Wednesday May 17, 2017 - 10:43 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Hotelka city place ee magaalada muqdisho waxaa hada si toos ah uga socda kulan weyn oo ay isugu imaadeen beelweynta hawiye waxaana kulankaan looga hadlaayo maqaamka gobolka banaadir iyo xuquuqda siyaasaddeed ee gobolkaan ka maqan.

Kulanka waxaa ka qeyb galaya waxgaradka,odayaasha,culimaa’udiin,ganacsato,haweeyn,dhalinyaro iyo xildhibaanno ka tirsan labada gole ee baarlamaanka soomalia aqalka hoose iyo aqalka sare.

Kulanka oo waxyar ka hor furmay ayaa waxaa hada socda khudbaddo kala duwan oo ay jeedinayan mas’uuliyiinta ka soo qeyb gashay .

Inta badan kulanka waxaa diiradda lagu saaraya sida lagu helo karo xuquuqda siyaasaddeed ee gobolka banaadir ka maqan waxaana xusid mudan in kulankaan uu yahay mid balaaran oo wajiyo kala duwan siyaasadda maqaam sare ku dhex leh ay ka muuqdaan.

Kulankaa ayaa waxaa uu socon doona ilaa galabta sida aan xogta ku heleyno waxaana laga yaaba in waqti dheer uu qaato maadama maqaamka gobolka sidii lagu heli lahaay looga arinsanaayo waxaana la filaya in war-murtiyadeed laga soo saaro kulankaan markuu dhamaado iyo qodobada la isla gartay.